Dad badan waxey leeyihiin riyooyin waaweyn ; qof kaste waxuu rabaa inuu noqdo ganacsade guuleystay, aqoonyahan caan ah ama hogaamiye bulshada wax u tara.
Laakiiin maxey dadka qaar u guuleystaan halka kuwa kale ay riyadoodu ku dhimato maskaxda dhexdeeda? farqiga u dhaxeeyo waa ficilka.
1-Riyadu waa Maab, Ficilku waa Safarka
Riyadu waxey ku siineysaa meesha aad u socoto (Destination), laakiin ficilku waa gaariga ku geeyo halkaas. Hadii aad leedahay maab aad u qurux badan laakiin aadan marna tallaabo qaadin, waligaa ma gaari doontid bartilmaameedkaada. Riyada iyo Ficilka waa labo mataano oon kala harin hadii la rabo guul dhab ah.
2-Caqabadda “Berri ayaan bilaabayaa”
Cadawga ugu weyn ee royooyinka waa dib u dhigista (Procrastination). Inaad sugto waqti ku haboon waa dhalanteed. Waqtiga ugu fiican ee la bilaabo ficil waa HADDA.
Ha sugin inta aad aqoon walba ka baraneyso ama inta aad lacag badan ka heleyso; ku bilaw waxa aad gacanta ku heysid.
3- Sida Riyada loogu baddelo ficil ( Tallaabooyinka)
Si aad u xaqiijiso riyadaada raac habkaan:
- U kala jabi riyada qeybo yaryar: Hadii riyadaadu tahay inaad qorto buug, ha isku dayin inaad hal maalin ku dhameyso. Maalin walbo qor hal bog.
- Sameyso jadwal: ficilka aan jadwalka laheyn waxuu noqdaa mid aan joogto ahayn.
- Ha ka baqin fashilka: Ficil kasta oo aad qaado waxuu kuu keenayaa khibrad. Hadii aad ku guuldareysato isku dayga koowaad, baro casharka oo markale ku celi.
4- Kaalinta Aqoon Nation ee Safarkaaga
Hadafkeena Aqoon Nation waa in aan ku siino agabka aad ugu badali laheyd riyooyinkaada ficil muuqda. Waxaan halkaan ku wadaagnaa xirfado, dhiirigalin iyo aqoon kugu hagta inaad noqoto qofka aad ku riyooneyso.